Argagaxisada Alshabaab oo weerar gaadmo ku qaaday fariisin CXDS ku leeyihin Balcad

Reading Time: < 1 minute

ila wareed kusugan  Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa MOL  sheegay in barqanimadii Maanta uu dhacay dagaal u dhaxeeyo CXDS & Alshabaab.

Kooxda Argagaxisada Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ku qaaday  fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana halkaas lagu dilay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka, Sida Muqdisho Online ogaatay kooxidii Argagaxisada Alshabaab ayaa ka baxsay goobtii .

waxaa  daqiiqado kadib goobta laga soo qaaday Meydadka Askata, iyadoona la soo sheegayo in goobta uu falka ka dhacay ay howlgal ka wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka ka dhacay duleedka Degmada Balcad, iyagoona sheetay inay dileen laba Askari, sidoo kalena ay horey u qaateen 2 qori Ak47.

Al-shabaab ayaa mararka qaarkood weeraro toos ah ku qaada Saldhigyada Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin duleedka Balcad, waxaana xusid mudan in dhowr jeer weeraro halkaas ka dhacay lagu dilay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda.