Ardaydii dishay macalinkoodii Qu’aanka oo gacanta lagu soo dhigay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soogaaraya Dowlad Goboleedka Galmudug, Ciidamada ammaanka ee Galmudug oo howlgallo ka sameeyey duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay labo wiil oo la shalay in saacadihii lasoo dhaafay macalinkooda dugsiga Qur’aanka ay ku dileen gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas ku daraya  in ciidamada amniga oo kaashanaya bulshada deegaanka ay gacanta ku soo dhigeen laba arday ee lagu eedeeyey dilkii loo geystay Macalin Cabdisalaan Ilkawayne oo si arxan darro ah u dhacay. Dhalinyarad la soo qabtay ayaa gudbiyey dhinaca koonfurta degmada Gaalkacyo, isla-markaana lagu xiray saldhigga Booliska ee magaaladaasi.