Ardayda Somaliland oo maanta u fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga

Reading Time: < 1 minute

Somaliland shaaciyay in maanta ay imtixaan sanadkeedka u fadhiisteen Arday dhan 33-kun oo dib uga dhacay Bishii May sabab ka dhalatay Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee dhacday 31-ka May 2021

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye oo Imtixaan sanadeedka 2020/21 ka daah-furay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa ayaa saaka imtixaanka shahaadiga ah ka daah-furay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama. Axmed waxa uu tirada guud ee Ardayda u fadhiisatay ku sheegay 33,000(Soddon iyo saddex kun) oo kala ah 12,000 (Toban & labo kun) oo ah Fasalka 4-aad Dugsiga sare iyo 21,000 (Labaatan & koow kun) oo 8-aad Dugsiga Dhexe.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa Ardayda ugu baaqay in ay raacaan shuruucda loo dejiyay iskana ilaaliyaan wax weliba oo ka reeban saacadaha ay u fadhiyaan imtixaanka. “Ardayda iyo waalidiinta waxa aan ugu baaqeynaa in ay dedaal geliyaan sidii ay uga fogaan lahaayeen waxyaabaha iska horkeena Ardayga & Macalinkiisa sida Telefoonada Gacanta iyo diyaargarow la’aan” ayuu yiri Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland.

Ciidamada Booliiska ayaa la geeyay Goobaha loo asteeyay in lagu qaado Imtixaan sanadkeedka & xubno kormeerayaal ah si loo adkeeyo amniga iyo dhaqangelinta shuruucda Wasaaradda ay u dejisay in lagu galo Imtixaanka.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!