Aqriso:Shaqo Joojin Lagu Sameeyey Xogheyihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka

Reading Time: < 1 minute

Xogheyihii joogtada ahaa ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka  xukumada Soomaaliya, Jamaal Qaasim Mursal  ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, waxaana   wareejiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Xukumada Soomaaliya oo ku saxiixa warqaddan  ayaa cuskaday qodobo ay kamid yahiin.

  1. Bixinta siraha muhiimka ah ee wasaaradda ee loo gudbiyo  dad kale oo ka baxsan wasaaradda.
  2. Wada shaqeyn la’aanta joogtada ah ee ka timid dhanka xogheyaha iyo curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda
  3. Cabashada shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda
  4. Ku xad-gudubka hannaanka kala sareynta shaqada iyo hab maamulka guud ee wasaaradda

Dhinaca kale, ma jirto war ka soo baxay Jamaal Qaasim Mursal ee la xiriira shaqo joojinta lagu sameeyey iyo sida uu u arko eedeynta wasiirka.