Dadka reer Muqdisho ayaa dhibanayaal waxa ay u noqdeen qaraxyada ka dhacaya Magaalada oo khasaare kala duwan oo naf iyo maal isugu jirta ka soo gaaraya Bulshada, iyo sidoo kale xirnaanshaha wadooyinka Magaalada.
Goobaha Al Shabaab qaraxyada ay ka gaystaan ayaanan hadda u kala soocneyn goob Bulshada caadiga ah ay joogaan iyo ciidanka intaba, waxayna Shabaab qarxiyaan meel kasta oo ay ku arkaan dad badan inay fadhiyaan.
Qaraxyadii ugu dambeeyay ee labadii todobaad ka dhacay Magaalada Muqdisho in ka badan 25 ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, labadaasi qarax oo mid ka mid ah Mooto Bajaaj loo adeegsaday, midka gaari loo adeegsaday, waxaa ku dhintay kaliya laba askari.
Taasi waxa ay muujinaysaa in bartilmaameedka uu yahay Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho oo fahmi la’ dhagarta ay Shabaab ku hayaan.
Iyadoo Bulshada ay la dhiban yihiin qaraxyadaasi, ayaa marka qarax uu dhaco, waxa ay la kulmaan dadka tacadi ah in la xiro wadooyinka Magaalada dhexmara, dhibaatana ay kala kulmaan ciidamada dowladda.
Illaa hadda waxaa xiran wadada Isgoyska Sayidka oo Axadii galabteeda qarax uu ka dhacay, gaadiidka rayidka bes ayeey wadada ka xiran tahay, halka kuwa dowladda ay si caadi ah halkaasi ku marayaan.
Shacabka reer Muqdisho oo dhibanayaal ah, ayaa isweydiinaya goorta ay ka baxayaan dhibaatada intaan la eeg ee ay ku jiraan, waxayna dalbanayaan dadka in dowladda ay joojiso xirnaanshaha wadooyinka Magaalada, iyadoo uusan jirin ficil wayn oo lagu hakinaayo qaraxyada