Aqriso:Mustafa Cagjar Oo Fariin udiray Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in muddo shan cisho gudahood lagu soo dhisi doono maamulada degmooyinka kaddib markii uu dib u dhac ku yimid dhamaystirka howlaha magaacibadda hoggaanka maamulka.

Mustafe Cumar ayaa amar ku siiyay booliska inaysan u dul qaadan cid kasta oo carqaladeynayso ammaanka isla markaasna sharciga lala tiigsado dadka doonaya inay amni darrada abuuraan.

Hadalka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay uu iska hor imaad aan waynayn uu ka dhacay halkaasi oo dhexmaray dhalinyaro sita calanka ONLF iyo kuwo kasoo horjeedo, waxaana ku dhaawacmay hal qof, booliska ayaa markii dambe xaaladda dejiyay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!