Aqriso:Inta qof ee maanta lagu dilay Gudaha Magalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute
Xaafada NAGEYLE deg.kaaraan ayaa saakay aroortii lagu arkay nin meyd ah oo gacmaha, lugaha, & indhaha ka xirxiran jirkiisa qeybaha sarena rasaas ku taal.
 Sidoo kale degmada HURIWAA gaar ahaa xaafada  ‘cali turcaaye ayaa saakay aroortii sidoo kale lagu arkay nin mayd ah oo ay jirkiisa qeybta sare rasaas Kaga taal.
DADKA deegaanada saakay lagu arkay meydadkan ayaa weli la anfariirsan waxa ay saakay ku waabariisteen Labada qof ee meydka ah.
illaa iyo hadda waa la garan la’yahay magacyadooda ama cidda ay yihiin. Falalka noocaan ah ayaa waxay qeyb ka noqonayaan amni darrada ragaadisay magaalada MUQDISHO.