War kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Puntland ayaa raaligelin looga bixiyay hadalkii dhawaan Madaxweyne Gaas uu ka sheegay Magaalada Badhan ,kaasoo ay dhibsadeen dadka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Warka kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay Puntland waxay si dhamaystiran uga raali gelinayso Dawladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed Ereyadii ay dhibsadeen ee ku jiray khudbadii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee uu uga hadlayey Arimaha Al-Shabaab.
Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.
Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”