Aqriso:Cabdiwali Gaas Oo Farmaajo iyo Khayre kaga digay inay kabaxaan Hishiisyadii Lagu galay Shirkii Magaalada Brussels.

Reading Time: < 1 minute

 Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Hogaamiyaha maamulka Puntland ayaa ka digay in dowlada Somalia ay ka weecato Heshiisyada lagu galay shirkii magalada Brussels.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay inuu aad uga cabsi qabo in dowlada Somalia ay wax kama jiraan kasoo qaado Heshiiska, waxa uuna cadeeyay haddii ay taasi dhacdo in meesha ay ka bixi karto kalsoonida.

Waxa uu Cabdiweli Gaas cadeeyay in Puntland ay ku khasban tahay inay dhaqan galiso heshiiska si buu yiri looga gudbo Isfahan darro soo kala dhexgasha dowlada iyo maamulka.

“Waa nasiib darro haddii ay dhacdo in dowlada Somalia ay ka baxdo Heshiiska, waayo waxaa muhiim ah in si wada jira loo dhaqan galiyo qodobada kasoo baxay shirka Brussels.

Cabdiweli Gaas oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid dan weyn ugu jirto dadka Soomaaliyeed,isla markaana dhammaan qodobadii ka soo baxay ay ahaayeen kuwo xilligaan u baahan yahay dalka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda Soomaalida ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay shirka magalada Brussels taas oo uu rajeynayo in dalkaan uu wax badan isbedeli doono hadii sidii loogu heshiiyey loo fuliyo.

Ugu dambeyntii, Dowlada Somalia ayuu ku booriyay inay la tashi la sameyso maamulada ka jira dalka si loo wada dhiso dalka.