(AQRISO:-Xildhibaano ka horyimid Go’aankii Gudoomiye Mursal

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada soo gudbiyay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ay kasoo hor jeedaan Warka gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal uu ku sheegay in uu buray Mooshinka.

Xildhibaanadaan ayaa ku nuux nuuxsaday in wax laga xumaado ay tahay in gudoomiye Mursal uu iska qaatay go’aanka ah in uu buray Mooshinka ay kasoo gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo oo uu isagu qabtay kol sii horeysay.

Waxa ay sheegeen in sifo sharci ah uu gudoomiyaha markii horeba uu ku qabtay Mooshinka ay kasoo gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo, balse uu iminka kaga laabtay sifo ay ku tilmaameen sharci darro.

War qoraal ah oo dhawaan uu soo saaray gudoomiye Mursal ayuu ku sheegay in uu buray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo uguna baaqay xildhibaanada golaha shacabka in ay ka shaqeeyaan waxa uu ku tilmaamay hormarka dowladnimada Soomaaliya.