Aqriso Wararki ugu Danbeyay Ee Qaraxii Shalay Muqdisho Iyo Saraakiil Cadaan Ah oo Baaris Wada Saakay

Reading Time: < 1 minute

Weli waxaa dhagaha shacabka Soomaaliyeed ka sii guuxaya Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada mashquulka badan ee Maka Al-mukarama gaar ahaan gobo lagu shaaheeyo ka soo horjeeda Hotelka Welhiye.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Ismiidaamiye ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay, warar kale oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan loo adeegsaday Bajaaj lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo u badnaa dhalinyaro Mooto Bajaaj ku shaqeysaneysay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo, ehehlada dadkaasi ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeryoodeen 14 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale, balse wararka saakay laga helay saraakiisha caafimaadka ayaa ku waramaya dadka dhintay in ay ku kordheen ilaa Saddex qof oo dhaawacii soo gaaray u geeryooday.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee sida gaarka ah loogu tababaray Baarista Qaraxyada oo caawimaad ka helaya Saraakiil cadaan ah ayaa ku hawlan Baarista Qaraxan, si ay u soo saaraan natiijada kama dambeysta ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!