Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta yeesheen kullan aan caadi aheeyn oo ay ugga arinsnayeen arimo dhowr ah oo waqtigaan murugsan islamarkaana ay ka mid yihiin Xirnaashiyaha suuqa weeyn ee Baraakaha iyo Magacaabista Taliyayaasha Ciidamadda Booliska Nabad sugida iyo Asluubta
Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, halka Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.
Dadka siyaasada indha indheeya ayaa waxaa ay durba dhaliileen qaabka magacaabista iyo soo xulista shaqsiyaadka la magaacabay kuwaasi oo qaarkood shaatigoodu uu wasaqeeysan yahay halka kuwa kalana aysanba aqoon u laheeyn arimaha Ciidanka
Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay u ahaa Taliye kuxigeenka Booliska, isagoo haatan u dalacay xilka Taliyaha Booliska,waxaasa dadka aqoonta durugsan u leh ay sheegeen in uu yahay shaqsi isla weeyn oo aan laheeyn Ixtiraam sida aan kasoo xigay sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska
Taliyaha Cusub Ee Booliska waxaa kasoo jeedaa Deegaanadda Maamulka Puntland waxaana la xaqiijiyay in Qancinta C/wali gaas lagu magacaabay
Sidoo kale Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan ayaa horay u soo noqday Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, waxaa uu ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle Ama Maamulka Koonfur Galbeed waxuuna hada ka shaqeeynaayay Wasaaradda Caafimaadka oo uu ka ahaa ku xigeen waxaana ay tani qeeyb ka tahay fashilka dowlada maxaa yeelay waxaa xilka nisa lagu aaminay ruux aan aqoon iyo ogaal midna u laheeyn
dhanka kale Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Asluubta. oo kasoo jeedo Beesha Madhibaan
Magacaabidan ayaa aheyd mid aan la fileyn, marka loo eego shaqsiyaadka xilalka loo magacaabay, waxaa horay suuqa ugu jiray shaqsiyaad dhowr ahaa oo aad loogu badinayay xilalka, balse aakhirkii dambe meesha ka baxay.