Taliska Nabad Sugidda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen xubno Shabaab ka tirsan in ay isku soo dhiibeen Ciidanka Dowladda ee ku sugan degaanada ka tirsan Gobolka Gedo.
Cali Xasan Deeq oo aha Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Todobaadkan gudihiisa in Maamulka Jubbaland ay isku soo dhiibeen Todobo ilaa Siddeed xubnood oo Shabaab ka tirsan.
Waxa uu sheegay xubnahan isa soo dhiibay in ay u sameyn doonaan dhaqancelin, kadibna ay ka qeyb noqon doonaan bulshadooda, oo shaqo abuur loo sameynayo cidii dalbata.
Sidoo kale wuxuu sheegay Taliye Cali Xasan raggan in ay ka faa’ideysteen cafiska uu markale Madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay xubnaha Shabaab ka tirsan ee doonaya in Dowlada ay ku soo biiraan.