Iyadoo maanta xilka Madaxweyne ee maamulka Puntland loo doortay Saciid Cabdullaahi deni ayaa waxaa hambalyo u diraya inta badan Xubnaha Mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Siyaasiga sida weeyn u diidan siyaasada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Cabdraxmaan Cabdi shakuur warsame ayaa bartiisa Facebook-ga so dhigay qoraal ahaa sidaam,
”Waxaan u hambal yeynayaa Mudane Saciid C/laahi Deni oo loo doortay Madaxweynaha Puntland. Saciid wuu mudnaa, sababtoo ah waa siyaasi xog-ogaal ah, in badan siyaasada u soo dhabar adaygay. Waxaan kaloo u mahad celinayaa Madaxweyne Gaas oo suura geliyey in doorashadu xiligeedii si nabad ah ku dhacdo, iyadoon khilaaf, qori iyo is qab qabsi lahayn, kana ilaaliyey saamaynta taban ee Dawlada Federaalka ah. Waxaan kaloo u dhiiro gelinayaa Generaal Asad Cusmaan oo dadaal iyo firfircooni muujiyey. Waa nin dhalinyaro ah oo siyaasada saanqaad fiican ka bilaabay”
Sidoo kale waxaa hambalyo u diray deni,xildhibaan Mahad maxamed salaad asigoo carabka ku adkeeyay in deni yahay saaxiibkiis,waxuuna yiri
”Hambalyo Madaxweynaha la doortay Puntland sxbkey Saciid Cabdullahi Dani.
Ilaahey waxaan kaaga baryeynaa mas’uuliyada aad qaaday in uu kula garab galo. Aamiin.
Hon. Mahad Salad”
Xildhibaan axmed macalin fiqi ayaana ka harin hambalyada wiiftada ah ee loo diray saciid Cabdullaahi Deni.
;”MABRUUK MADXAWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND MD. SICIID C/HI DENI”
Dad badan ayaa aaminsan in Deni uu xubin ka yahay xisbiga uu xassan shiikh Gudoomiyaha ka yahay