Aqriso: Magacyada Saraakiil shabaab ah oo lagu dilay gobolka Sh/hoose

Reading Time: < 1 minute

Kumaandooska Soomaaliya oo taageero Malatari ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay Saqdii dhaxe Howlgal qorsheysan ka fuliyay saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Howlgalka oo ahaa Mid qosheysan ayaa lagu bur buriyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degmada Awdheegle.

Saraakiil ka tirsan Danab ayaa sheegay in weerar dagaal iyo duqeyn ah ay ciidamada Danab iyo Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Awdheegle ee G/shabeelada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada la duqeeyay ay ku sugnayeen saraakiil Soomaali iyo Ajanib ah kuwaasi oo ka tirsan Al-shabaab

Saldhigyada la duqeeyay ayee Saraakiisha Danab ay sheegeen inuu ka socday kulumo saraakiisha Al-shabaab ay ugu hadlayeen dagaalada ka socda Gobolada dalka.

Ku dhawaad 45asksri iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka duqeynta  sida ay sheegeen Saraakiisha Danab

Saraakiisha ciidamada danab ayaa Magacyada saraakiisha l;agu dilay weerarka ku kala sheegay Sida tan Abuu yuusuf Alsuuf oo la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Lubnaan,Yaxye Aldhaalib oo heesta dalka Suudaan, iyo Abuu Xasan Xamsa oo  Al-shabaab kaga soo biirey Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalanta Dalka