Aqriso:-Madaxweyne Xaaf”Galmudug Dowlada Federaalka Lacag ayaa Ugu Maqan waa in laga helaa”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya Maamulka Galmudug madaxdeeda ay u taallo Shaqo adag oo u baahan in la qabto.

Waxa uu sheegay in Galmudug howlo badan iyo Hanti badan ay uga maqan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka laakin Galmudug ay ka Go’an tahay in ay ka doontaan cid kasto uu xaqoodu ku maqan yahay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in gudiyada kala duwan ee Maamulka Galmudug xiligan wixii ka dambeeya laga sugayo Shaqo adag taas oo horseed u noqoneysa Guul uu gaaro Maamulka Galmudug.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Xaaf waxa uu ka jeediyay munaasabad lagu xulayay sidii loo mideyn lahaa baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusunna taas oo lagu qabtay xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.