Waxaa la shaaciyay liiska madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa calaama-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in 11 hogaamiye oo madaxweynayaal iyo ra’iisal wasaareyaal isugu jira inay ka qeyb galayaan caleema-saarka Uhuru, isla markaana 13 dal oo kale ay soo dirayaan kuxigeeno madaxweyne ama wasiiro.
Liiska madaxda caalamka ee xafladda caleemo saarka kasoo muuqan doona waxaa ka mida Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu sida ay sheegtay jariirada Times of Israel oo qortay inuu subaxdnimada Talaadada ka degi doono Nairobi, kana tegi doono Galabimada xaflada kadib.
Madaxda kale ee caleemo-saara Uhuru Kenyatta la xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan waxay kala yihiin:
1- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
2- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museven
3- Madaxweynaha Botswana Ian Khama
4- Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame
5- Madaxweynaha Tanzania John Pombe Magufuli
6- Madaxweynaha Zambia Edgar Lungu
7- Madaxweynaha Djibouti Ismaïl Omar Guelleh
8- Madaxweynaha Namibia Hage Geingob
9- Madaxweynaha Togo Faure Gnassingbé
10- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn
Waxay noqon doonaa markii ugu horeysay ee madaxweynaha Soomaaliya oo xaflad kasoo wada muuqdaan Ra’iisal wasaaraha Israel.