Aqriso:-Kaftan Siyaasadeed Laga Sameeyay Sawirkii Xaaf Iyo Wasiir Sabriye!!

Reading Time: < 1 minute

SABRIYE: Araa xaad isla jooxaaree maad ila hadashid?

XAAF: Wacdalaana kula hadleen ee dhinac iiga leexo.

SABRIYE: Ina Adeeroow xaan kaa haleeyay ma waanan Ehel aheyn.

XAAF: Ma ninka Xasan ii soo raacay ee labadii ma jeeste Cadaado Caanaha ku siinaa ana Dhusamareb igu ceyrteeyay ayaan la hadlaa.

SABRIYE: War warqadii aan soo madmadoobeeyay miyaad ka hadlee taas waa la igu qasbay aniga rabitaankeyga ma aheyn.

XAAF: Iga gaarsii adiga iyo madax qurdubka madaxda kuu ah in aan aqaan ciyaal jeemis dhuub sida bud loogu garaaco.