Waxa isa soo taraya baaqyada ka imaanaya aqoonyahanada iyo waxgaradka erre Puntland oo ku baaqaya in la baaro qaraxyada ay sheegay Dowlada Qatar in ay iyadu ka danbeeysay.
Aqoon yahan Cabdidaahir Maxamuud Yuusuf Yeey. oo kamid ah aqoonyahanada somaliyeed ee ku nool dalka maraykanka horeyna u soo noqday musharax Madaxweyne Puntland ayaa ka hadlay Qaraxyadii Bosaaso ka dhacay ee lagu eedeyeey Dowladda Qatar.
Siyaasi Yeey ayaa sheegay in aysan shaki kujirin in Dowladda Qatar ay ka dambeyso qaraxyo ka dhacay Bosaaso,isago dowladda Puntland ugu baaqay inay baaritaan ku samayso kiskaas oo baahiyeey wargayska New york Times.
Dowlada Fedaraalka ayaa sheegtay in aan loo baahnayin in la baaro Qatar iyaga oo ku sababeeysay in dowlada Qatar ayan ka suugaralin ficilkaas. Fahad Yasin iyo Xasan Kheyre ayaa difaacaya dowlada Qatar iyaga oo dano gaar ah haysto halka MW Farmaajo oo ka amuusan yahay arintaas taas oo cadaynaysa in uu la wadaago dareenka Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin oo ah in Qatar la difaaco.