Gudoomiyaha xiriirka dibadda ee xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile ayaa sheegay in Imaaradka uu yahay dal siweyn u taageeray Puntland,isla markaana asyan jirin cid ay ku doorsanayaan.
Waxa uu sheegay in Imaaraadka uu waligiis gacanweyn siin jiray Maamulka puntland,isla markaana sinaba asyan u kala goeyn sida uu hadalka u dhigay.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxdeeda kama hadlin Go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland ee uu ku difaacay Imaaraadka Carabta,iyada oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka.