Aqalka Sare ee Congress ayaa u codeeeyya in ciidamada ka jooga dalka Maraykanka Soomaaliya ay ku sii nagaadaan dalka Soomaaliya. Codeyntaan ayaa timid ka dib markii aqalka Congress-ka uu ka dooday hidise uu horay u soo bandhigay d xildihibaan Rep. Matt Gaetz (R-Fla.) kaas oo ku doodayay in Madaxweyne Joe Biden uu ka saaro inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.
Dadka ka soo horjeeda sharcigan ayaa sheegay in uu wax u dhimi doono amniga qaranka, isagoo adkeynaya in lala dagaalamo Al-Shabaab oo Mareykanku uu u aqoonsaday koox argagixiso toban sano ka hor.
Dhanka kale Sharci-dajiyayaasha Aqalka Congresska ee ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Joe Biden ayaa ku andacoonaya in 900 oo askari oo Maraykan ah oo ku sugan Soomaaliya oo hawl aan la hubin u jooga aysan waligood nabad keeni doonin. Inkastoo uu sheeganayo.
Codeyntii loo qaaday hindisahaas ayaa Goluhu wuxuu diiday sharciga, H.Con.Res.30, cod ah 102-321.
Xildhibaan Gaetz ayaa sheegay intii lagu guda jiray doodda in si loo aqbalo go’aankii Biden ee sannadkii hore ee ahaa in askarta dib loogu celiyo Soomaaliya, waa in la rumaystaa in 900 oo askari oo Maraykan ah ay yihiin kuwa badbaadinaya waddan 17 milyan ah oo ka ka adkaan waayay koox yar oo aan ka badnaynin 7,000 ah.
“Waxay ila tahay in ay taasi culays ku tahay caqli-galnimada oo keliya balse waa fahamkeenna taariikhda Soomaaliya,” ayuu Gaetz yiri intii lagu guda jiray doodda sharciga.
“Mustaqbalka Soomaaliya waa in ay Soomaaliya ka tashataa. Ilaa iyo inta saamaynta shisheeye ay caawin karto, waxaan ku doodi lahaa in Midowga Afrika uu aad uga wanaagsan yahay in la dhiso dareen xooggan oo aqoonsi qaran iyo midnimo qaran oo dhexmara qabaa’ilka jiilal badan ku dagaallamaya Soomaaliya marka loo eego ciidamada Mareykanka,” ayuu raaciyay. .