Aqalka oo Loga Yeeray Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Kheyre Si Wax Loga Weeydiyo Waxa Ay Kala Socdan Tacadiga Kenya Ka Wado Beled-Xawo

Reading Time: < 1 minute

Golaha Aqalka Sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u yeeray qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wax laga weydiiyo Xuukuumadda Soomaaliya xiisada ka taagan magaalada Bele-Xaawo ee G/ Gedo.

Wasiiradaas ayaa kala ah, Wasiirka arimaha dibada ee xukumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arimaha Gudaha ee xukumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Gaashaandhiga xukumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, si su’aalo looga weydiiyo dhibataada Ciidamada Kenya ay ku hayaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

Senator C/laahi Sheekh Ismcaail Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga Kenya dhibaato xoogan ay ka wadaan Xadka Soomaaliya isla markana Xukumada ay indhaha ka laabatay wax ka qabashada arrimahaasi, loonabaahan yahay in si deg deg ah looga jawaabo tacadiyadaasi.