Aqal Sare oo noqday howlgab iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo digniin u diray Senatarada

Reading Time: < 1 minute

Aqalka Sare oo marki horaba aan luga xoog leh ku taagnaynin ka dib markii shaqadiisii inteeda badan uu la wareegay Golaha Shacabka ayaa hadana waxa taa ugu darsamay iyada oo xubnihii Aqalka Sare ay soo xaadiri waayaan marka uu furan yahay kalfadhiga Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iwaxaa uu Digniin u diray Senatarada ka tirsan Aqalka Sare,kadib markii Maanta uu baaqday kulankii Aqalka sare.

Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax Macquul ah aysan aheyd in Senatarada qaar ay soo xaadiraan Xarunta Golaha goor hore,halka qaar kalena ay iska soo daahan,isla markaana waxaa uu u mahaceliyay Xildhibaanadii Maanta soo xaadiray kulanka.“Macquul Maahan in Senatarada qaar ay soo xaadiraan Subixii xilli hore yimaadaan,qaarna ay soo daahaan,Mana la aqbalayo”ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu Senatarada Aqalka sare u sheegay in looga baahan yahay Xarunta in la yimaado saacada markii ay tahay 09:00 Subaxnimo ilaa 10:00 lagu soo xaadiro si aysan u dhicin kooram la’aan. Digniinta Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa yimid  ,kadib markii Maanta uu Kooram la’aan u baaqday kulankii ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Aqalka sare ee dalka.