Anwar Maxamed Qarqaash Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeeyay Dowladda Qadar in ay ka dambeysay Khilaafka soo gala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Anwar aya sheegay in Qadar ay muddo badan dabada ka riixeysay in uu Khilaaf soo gala dhex galo labada dal ugu dambeyntiina ay ku guuleysatay,Waxa uu shegay in ay ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya, waxa uuna meesha ka saaray in khilaafka hadda taagan in uu waxyeelleeyo walaalnimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
“Dowladda Imaaraadka waxaa ka go’an ilaalinta Midnimada Soomaaliya dad ahaan iyo dal ahaan”,ayuu yiri wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo.
Waxaa uu ugu dambeyntii uu sheegay in heshiis kaste oo dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu ahaa mid ay ogeyd dowladda Soomaaliya.