In Antonio Guterres uu tacsi u diro shacabka soomaaliyeed Kheyre Iyo Farmaajo Iska Amusnaadan Wa Ceeb Nagartay oo Yaabkeda Leh

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne kasta oo dal xukuma waxaa waajib ku ah hadii shacabkiisa dhibaato ku dhacdo inuu la qayb sado dhibaatadaa isagoo adeegsanaya warbaahinta.

Waxaa is waydiiyey oo Falanqeynta Farta ku fiiqayaa Madaxweyne Farmaajo isagaa ah madaxweynihii dalka ee tusaale u noqonaya hogaanka wanaagsen.

Wali kama uusan hadal si kululna uma cambaareynin qaraxyadii jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sida Warbaahinta sheegtay ay ku dhinteen 50 qof, in badanna ku dhaawacmeen.
Khasaaraha dhimasho ka sokow qaraxyadan waxaa sidoo kale ka dhashay bur bur xoogan oo soo gaaray goobihii ay ka dhaceen, waxaana Goobaha ay qaraxyadan ka dhaceen laga dareemayaan xaalad murugo leh. oo dareenkaaga taabanaysa dhibka intuu leg yahay.

Dhibka intaa le’g in madaxweynuhu ka aamuso muda hada laga joogo sadex maalmood wax tacsi ah uma dirin Qaraabadii dadka ka dhinteen iyo shacabka Soomaaliyeed ee goorkasta ku dhibaataysan dagaalkan ka dhaxeeya dawlada iyo kooxda Nabad diidka alshabaab.
Sow wax yaab kugu reebaya maaha in Xog-hayaha Guud ee QM Antonio Guterres uu tacsi u diro shacabka soomaaliyeed weerarkii habeennimadii Jimcaha ka dhacay Muqdisho,

Walina waxa Dhanbaal Tacsiya laga hayn Xafiiska Madaxtooyada sow inaa is waydiino maaha maxaa khaldan maxay Qabtaan Taliyaasha madaxtooyadu?
Waxaa falanqeytayda ku soo gaba gabaynaa Sugidda amniga waa mid ka mid ah balanqaad yadii lagu doortey Madaxweyne Farmaajo iyo inuu dagaal ku qaado kooxda al shabaab suurta galmaaha in kooxda Al-shabaab ay xoog ku haysato deegaano badan oo u dhaw magaalada muqdisho.

Waxaan aaminsanahay in amniga magaalada Muqdisho uu fure u yahay amniga guud ee dalka Soomaaliya.
Waxaan kaloo aaminsanahay aamusnaanta madaxweyne Farmaajo in uu xaqiiqda jirta ka hadli inay tahay khalad siyaasadeed oo ceeb ku ah hogaankiisa hada jira.

W/Q: Danjire maxamed caalim.