Warbixintiisii joogta ahayd ee Soomaaliya ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay horumar kooban ka sameysay dhismaha dowladnimada laakiin waxay wali la tacaaleysaa inay wax ka qabato xagjirnimada, argagixisada, dagaallada sokeeye, xasillooni darrida siyaasadeed iyo musuqmaasuqa.
Qoraalka ka soo baxayy xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loona gudbiyey golaha ammaanka ayaa warbixin buuxda ka siiyaay golaha amaanka xaalada guud ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Kaddib 30 sano oo dagaallo sokeeye ah, weerarro argagixiso iyo macluul, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad ku-meel-gaar ah sannadkii 2012kii illaa haddana waxaa laga shaqeynayey sidii dib loogu soo celin lahaa xasilloonida. Laakiin Guterres ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee dalka ay wali jilicsan tahay. Wuxuu intaas ku daray in intii u dhaxeysay bartamihii December iyo horraantii May Alshabaab ay weerarro xooggan ku qaadeen xarrumo ciidan, saraakiil dowladda ka tirsan, ciidammada ammaanka iyo sidoo kale baarar caan ah iyo hoteello sida uu sheegay xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Guterres wuxuu sheegay in bilihii March iyo April ay aad sare ugu kaceen weerarrada ka dhacay Muqdisho iyadoo qaraxyada lagu xiro gawaarida ay si maalinle ah u dhacayeen. Bishii March ayuu sheegay inay dalka oo dhan ka dhaceen 77 qarax, Guterres wuxuu sidoo kale xusay inay kor u kaceen weerarrada loo adeegsado hoobiyaha taasoo caddeyneysa ayuu yiri sida Alshabaab ay u horumariyeen awoodda ay ku weerari karaan bartilmaameedyadooda. Xoghaye Guterres wuxuu sheegay in weerarrada loo adeegsado Ismiidaaminta ay wali iyaguna socdaan.
Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyey inay jiraan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo iyo tiro duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday saldhigyo ay Alshabaab ku tababartaan kuwaasoo la rumeysan yahay inay ahaayeen goobo ay iska soo abaabulaan.
Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay asbuucaan magacaabaan engage gaarka ah ee wakiilka ugu noqon doono dalka Soomaaliya. Waxaana la filayaa in la magacaabo James Swan oo ay diplomaasi Maraykan ah.