Ansixinta Dasturka Cusub ee Galmudug oo Ka Dhigan In MW/ Xaaf uu 4-ta Sano ee Soo Socta uu Madaxweyne Ahaado

Reading Time: < 1 minute

Iyado Manta ay dhuusa mareeb ku ansixiyeen Xildhibanada Baarlamanka Galmudug Dastuurka Galmudug Ka dib kulan ay yeesheen aya waxa durba soo baxaya dhaliilo ku adan qorshaha ansixintaasi.

Dastuurka Cusub ee Galmudug oo maanta la ansixiyay aya shegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu Afarta Sano ee soo adan uu Xilkaasi sii heyn doono,maadama Dastuurkii La Ansixiyay uu sidaasi qoraayo.

Madaxweyne Xaaf aya Xilkaasi loo doortay 3 Maarso 2017-kii ka dib markii uu Xilkaasi baneeyay Madaxweynihii Hore ee Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xilkaasi iska casilay bishii February 2017-kii.

Maamulka Galmudug aya waxa ka taagan Buuq ka dib markii beelaha dega Deegaanada Maamulkasi ay ka cabanaayan in la duuf saday saamigii ay ku lahayeen Maamulkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!