Amusnaanta Dowlada oo Sababtay In Milatariga Kenya Ay Degano Hor leh Gudaha Uso Galaan Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Milatariga Dalka kenya aya soo buux dhaafinaya deeganada ku teedsan xadka soomaaliya ay la leedahay dalkaasi kenya.
Kenya aya ciidamadeda milatariga ah soo dhoobtay deeganka ceelqalaa oo u dhaw dagmada ceel waaq ee gobolkaasi gedo,iyagoo halkaasi sldhigyo ka sameysatay xalay.

Korneyl Xasan Aadan Biixi oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, ayaa Shegay in ciidan qalabeysan oo kuwa Kenya ahi, ay soo deggeen Deegaanka Ceelqalaa.
Korneyl Xasan Aadan Biixi, ayaa sheegay Ciidanka Kenya ee soo degay Deegaanka Ceelqalaa inaanay qayb ka ahayn Ciidanka Kenya ee ka tirsan Amisom.

Dadka reer Ceelwaaq ayaa is weydiinaya sababta ay Madaxda Dowladda uga hadli la’yihiin fara-gelinta qaawan ay ciidankan ka wadaan deegaanada xadka dhaca.