Amp-Diinaari”Farmaajo iyo kheeyre laga fili-maayo in ay qaataan talo loosoo jeediyay”

Reading Time: < 1 minute

Cabashada iyo eeda loo jeedinaayo madaxda ugu sareeysa dalka gaar ahaan Maadxweyne Farmaajo iyo R/wasaare xassan cali kheeyre ayaa waxaa ay noqotay labadii sano ee lasoo dhaafay mid isi soo tareeysay marba marka ka dambeeyso.

Iyadoo sidaasi ay tahay ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Nuur”Diinaari” waxaa uu sheegay in marnaba aan laga fileeyn Madaxda Dowlada in ay qaataan talo loo jeediyayay,waxaana uu carabka ku adkeeyay in aana laga fileeyn.

Sidoo kale  AMP-Cabdiraxmaan Maxamed Nuur”Diinaari” Waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha ciidanka waxaa uu sheegay in aysan dhowr bilood mushaar helin islamarkaana  R/wasaare kheeyre iyo Madaxweyne farmaajo ay ku kala hadleen hadalo isburinaaya oo ah waa la siiyay iyo lama siin.

Ciidanka ayuu ku booriyay in aysan kasoo bixin furumaha islamarkaana ay u dulqaataan dadaal dheeri ah aynabixiyaan si aan  Al-shabaab fursad loo siin