Amnigga Caasimadda oo aan Faro Lagu heeyn iyo Qaraxyo Laga Cabsi Qabo’’Aaway Ciidamadii 14-ka October’’

Reading Time: < 1 minute

Inta badan Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho waxaa Joogo Ciidamo ka tirsan kuwa loogu magac-daray 14-ka October oo ka tirsan Booliska kuwaasi oo taagtaagan hase’yeeshee aan qabaneeynin howl buuran oo sidaasi ah.

Amniga caasimada ayaa hada dayacan majiro gaari kasoo gudbo Controla-da muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo si rasmi ah loo baaro waxaana lagu soo daayaa laaluush iyo gacan haatis Ciidamada ayaana dhiifooneeynin waxaana laga dheehan karaa caajis iyo Khibrad yari.

Bulshada Ku Nool Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay qabaan aragti ah’’Hadii Ciidamadii amniga lagu wareejiyay sidaan u dhaqmayaan amniga miyaa la rabaa’’Kuwa kale ayaa leh’’Amni miyaa la rabaa shacabka ayaa la doonayaa qaab lagu Xasuuqee’’

Dowlada Soomaaliya ee uu Hogaamiya Madaxweeyne Maxamed C/laahi farmaajo waxaa iska cad in aysan dan iyo heelo ka laheeyn amnigga Caasimada Islamarkaana ay  rabto in shacabka qaraxyo dilal lagu laayo.