Amniga Dhuusamareeb oo si aad ah loo adkeeyay (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in  laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada kala duwan ee maamulka Galmudug.

Shirka oo lagu weday in uu furmo shalay oo taariikhdu aheyd 4/9/2019 ayaa dib u dhacay,arrintaas oo ay dowladdu u sababeysay in ay aheyd cilad farsamo in kasta oo maanta shirka uu furmayo.

Waxaa la diyaariyay howlkii shirku ka furmi lahaa iyada oo saacadaha soo aaddan uu si toos ah u furmayo shirku sida uu ku soo waramayo weriyaha dalsan ee magaalada Dhuusa-Mareeb,dhinaca kalabna waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalkada.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Somalia  ayaa lagu wadaa in uu furo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.