Waxaa nasiib xumi ah in iyada oo ay dalka ka jirto xaalad Amni daro ah in madaxdii dalka ugu sareeysay ay isugu faanayaa kulamo lala yeesho hogaanka ciidamada kala duman. Waa dhaqan siyaasadeed oo aad u xun aanana u adeegeynin danta dalka.
Sidee bay suuragal u tahay in aan laga adkaado Al Shabaab hadii madaxweyhii iyo Ra’iisal Wasaarihiiba ayan ka xishoonaynin dadka Soomaaliyeed iyaga oo u dhaqmaya sidii caruur isku faanaysa oo kala aargoosanaya.
Dhanka kale, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska, saddex maalin kadib weerarkii Shabaab ay ku galeen xerada Xalane, halkaas oo ay ku dileen ku dhowaaf 10 qof oo Ajaanib u badan.
Kulanka waxaa ka qeyb galay taliyaha booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole,taliyaha ciidanka Haramcad Cabdi Xamiid Fanax,taliye qeybeedyada gobolkan iyo taliyayaasha saldhigyada magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka uu ahaa mid ka yimid dhanka Xijaar.
Jeneraal Xijaar ayaa la sheegay in saraakiishan uu ku canaantay dayaca ka jira amniga magaalada, isagoo tusaale u soo qaatay weeraradii u danbeeyay ee ka dhacay caasimadda iyo dhaca habeenkii kooxo burcad ah ay u geystaan dadka shacabka ah oo ay ka qaataan tilifoonada iyo Computerada ay wataan, iyadoo aan jirin dadaalo dheeri ah oo la xiriirta wax ka qabashada falalkaas.