Amniga Caasimada oo faraha ka baxay iyo Suuq ku yaala Muqdisho oo dad shacab ah lagu laayay (SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la rumeeysan yahay in uu faraha ka baxay amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah umadda soomaaliyeed,waxaana maalin walbo ku dhimtay dad kor u dhaafaya 10-ruux maanta ayaana ugu dambeeysay.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ,in ka badan 20 qofna dhaawac ayaa kasoo gaaray Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ka dhacay Isgoyska Kaawo Godey ee Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa u badan Shacab , waxaana sidoo kale Qaraxa ka dhashay burbur xooggan,oo soo gaaray hantidooda.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Banaadir ayaa waxaa ay dhibanayaal u yihiin Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo