Amni xumi la soo daristay deegaano ka mid ah Koonfur Galbeed

Reading Time: < 1 minute

Waxaa gacanta ka sii baxaya Amnigii deegaano ka mida Dowlad Goboleedka Koonfur Gakbeed oo ay ku jiraan magaalaooyinka Baydhbao iyo Buurhaba.  Waxaa ka bilaabay dheeganadaas cabsi hor leh iyada oo ay u muuqatao in ay kooxda AL Shabaab dib ugu soo noqdeen degaanadaas.

Iyada oo cabsidaas jirto ayaa Cabdicasiis Lafta Green   sheegay in  si looga hotago qaraxyada iyo amni darida ka jiraya DGK ay lama huraan tahay in la helo wada shaqeyn u dhaxeysa  shacabka iyo  Ciidamada ammaanka.

Lafta Gareen ayaa waxa uu amray Wasiirada iyo hay’adaha maamulka Koofur Galbeed   in ay dhexgalaan dadka, si ay u abuuraan kalsoonida wada shaqeynta.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sheegay in dadka koofur galbeed qaar kamid ah ay ka barakaceen deegaanadooda, kaliya ay u baahan yihiin dib u dajin loo sameeyo.