Amnini darada Magaalada Muqdisho qeeyb sabab ma u tahay isbadalka lagu sameeyo Saraakiisha Ciidamada

Reading Time: < 1 minute

Isbadalka badan ee lagu sameeyo saraakiisha ciidamada iyo laamaha amaanka dowladda ayaa la sheegaa inuu xiriir la leeyahay xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa isbadal badan ku sameysay saraakiisha ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhiga, waxaana taasi ay khubarada dhanka amaanka ku sheegeen inay dhibaato ku tahay amaanka Muqdisho.

Korneyl Cabdi Aadan Barre, oo ah khabiir dhanka amaanka ah ayaa sheegay in isbadalka badan ee saraakiisha ciidamada iyo isla xisaabtan la’aanta hay’adaha amaanka ay qeyb ka tahay amaan xumada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay adkaaneyso, marka isbadalka isdaba-joog uu noqdo inay isfahmaan ciidamada amaanka iyo saraakiisha ciidanka ee ku cusub xilalka loo dhiibay, taasina ay keeni karto inaysan si wanaagsan u wada shaqeyn.

“Inkastoo aysan wanaagsaneyn isbadalka, haddana waxaan dareemayaa ciidamada degmooyinka ka shaqeeya iyo kuwa guud ahaan amaanka ka shaqeeya haddi aysan isfaham saneyn oo aan lala xisaabtameyn waa dhibaato kale, sidoo kale isbadalka badan ee saraakiisha ayaa qeyb ka ah amaan darida Muqdisho”ayuu yiri Korneyl Barre.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, waxaana ka dhaca toogashada ay sameeyaan kooxaha Daacish iyo Al Shabaab oo dhexdooda is khilaafsan.