Amnesty oo Farmaajo ku eedeysay in uu qayb ka yahay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed

Reading Time: 2 minutes

Hay’adda Amnesty International ayaa warbixin buuxda  ay shalay soo saartay waxa ay ku eedeeysay dowlada Mareykanka in ay ku xasuuqday dad shacab ah koonfurta Soomaaliya.

Amnesty ayaa baaritaan ay wado mudo labo sano ah waxa ay ku ogaatay in dad badan oo shacab ah ay laayeen diyaaradaha kiligood duula ee loo yaqaano Drones. Amnesty ayaa waxa ay soo bandhigtay warbix wadato cadeeymo kuwaas oo muujinaya qaabka loo dilay dadka shacabka ah.

Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay ka wadaa dalka Soomaaliya dagaal ay kula jirto ciidamada kooxda Al Shabaab.  Dagaalkaan oo ah mid ku kooban cirka aya waxa inta badan lala beegsadaa dad ku nool deegano lagu tuhmayo in ay ku nool yihiin kooxda Al Shabaab.

Madaama ciidanka Mareykan ayan joogin dhula ayaa ciidamada Mareykanka waxaa ay isticmaalaan jaajuusin Soomaali ah iyo qalab lagu dabagalo  ciidamada dhulka ka dagaalama.

Hay’adda Amnesty ayaa waxa auy ku eedeysay in MW Farmaajo iyo dowladdiisu ayan marnaba ka hadlan tacadiyadda iyo dhibaatada loo geysananyo shacabka Soomaaliyeed. Hay’ada ayaa tiri “waxaa nasiib xumo ah in dowladii loo igmaday in ay ilaaliso nolasha qofka Soomaaliga ay ka aamunsan tahay dadka masaakiinta ah ee la leynayo”.

Qoraal ay soo dhigeen bogooda Twitter –ka ayaa ay hay’adu  kula hadashay Farmaajo iyo Kheyre  iyada oo tiri “ dowladda Mareykanka waxa ay dileysaa shacabka Soomaaliyeed mana ayan qaadanin mas’uuliyada dilkaas…  u istaaga dadkiina … dowladiina waa  in ay sameeysaa baaritaan dhaqso ah oo ay cadaalad ugu raadineyso dadka la xasuuqay isla markaana mag dhaw uga qaado dowlada Maraykan”.

Farmaajo iyo Kheyre ayaan marnaba ka hadlin dilka loo geeysto shacabka Soomaaliyeed iyaga oo dowlada Maraykanka siiyay madaxbnaani ay ku dilayaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo la istcimaalayo magaca la dagaalanka Argagixisada.

Qoraalka Amnesty oo dhameystiran halkaan ka qariso:

https://www.amnesty.org/en/latest/news/2019/03/usa-somalia-shroud-of-secrecy-around-civilian-deaths-masks-possible-war-crimes/