Ammaanta iyo Ukaalmeynta Farmajo Ogow waa Dembi aad Qaranka Ka Galeyso

Reading Time: 4 minutes

Waxaad arkeysaa oo baraha bulshada been aad ka naxdo ku sheegaya iyo qaar wareysiyo bixinaya oo been afuufaya, welina ku faraxsan inuu beentaas sheegayo. Dhibatada noogu weyn waxay tahay jahli xoog leh iyo nabaadguur aqooneed ka jira korrinshaha uammada iyo garaadka shacbiga oo u baahan in lagu duro dawo ah inay:

1.     Rabbi ka cabsadaan maadaama ay dad muslimiin ah yihiin.

2.     In beenta ay sheegayaan ay iyaga laftooda dib u dhaawici doonto oo loo qabsan doono.

Qodoboka hore waxay laga soo minguuriyey kadib markii la arkay halkii runta iyo xaqa loogu noqon jiray oo ay beeni ka oo butaaceyso waa culimada oo masaajidda dhexdooda ku sheegaya been diin la huwinayo, marka wadaadkii ku lahaa Allah ka cabso oo been ha sheegin oo isaga beenta dhuraya shilimaad la siiyey dartood. Kuwa kale oo wadaaddada ka mid ah oo xaqa baadil ku qarinaya soona daliishanaya aayado quraan ah oo khaas ahaa laguna soo dajiyey xaalad gaar ah, ka dhiga caama iyo xukun guud, waayo dantooda ayey ka dhex arkeen, waxaana tusaale kuugu filan shabaab oo aayadaha uu rabbi ugu talagalay xelliga dagaalka u daliishanaya xelliga nabadda si ay ugu sedbursadaan ummaadana uga daneystaan waxaana ka mid Shabaabka, inkastoo hadda lagu fahmay oo la bilaabay in la iska dhiciyo.

Waxaana iyana jira shakhsiyaad been badan ka sheegay xaaladda dalka. Tusaale dad ayaa ku doodaya in MW Farmajo uu dalka wax wanaagsan ka sameeyey. Dadkaas waxay isugu jiraan dhowr koox; koox xoolo ka helay nidaamkaas faasidka ahaa oo taas ku difaacaya, koox mansab ay mudeyn lagu abaal mariyey oo abaalkii gudahaya iyo koox la marin habaabiyey laguna abuuray waddaniyad been ah.

Dad ayaa ku doodaya inuu dhisay ciidan Somaliyeed oo tayo leh, waa yaabe haddii sidaas tahay maxaa maanta loogu baahday in shabaab ay macawisley la dagaalamaan. Faramajo waxaa uu sameeyey Maleyshiyooyin aan wax habraac ciidan lahayn oo magacyo ciidan u bixiyey, una geliyey dharkii ciidanka. MW Wanaagsan waa kan laga dhaxlo horumar uu sameeyey ee maaha kan laga dhaxlo waxa Farmajo laga dhaxlay oo ah:

1.     Maleyshiyooyin ciidan lagu sheegay oo qabiillo ku saleysan, kana soo horjeeday koox kale oo qabiileysan, weligoodna aan dagaal la galin Shabaabka maanta firxadka sii ah oo Dekadda, garonka Aden Cadde iyo Suuqyada Xamar canshuurta kala guran isaga.

2.     Deyn cafin been ah oo dadka lagu maaweelin jiray, lana ogaaday inay hadda taagan tahay meeshii ay taagneyd 2016 iyo maamulxumo baahasan oo musuqa uu hareereeyey hay’ad kastaa.

3.     Dhamaan dadka Somaliyeed, gaar ahaan qabiilada oo uu colaad dhex dhigay, tusaalana u qaado rabshaddii iyo buuqii uu ka waday gobolka Gedo oo hadda oo aan xataa tallaabo dowli la qaaday xasaraddii iyo dhimashadii ay iskeed u degtay.

4.     Dilalkii Qorsheysnaa ee Almaas Elman, Ikran Tahliil iyo kuwa kale oo badan soo bixi doona marka la furo galalka dembiyadaas.

5.     Dowlad Goboleedyada oo uu midba midda kale ku diri jiray, soona kala dhaweysan jiray maanta hal wee ayey wax kuwada cuneed markii ay isla soo faaqideen dhibaatooyinka lagu hayey iyo wixii ka dhashay waa kuwa soo hor istaagay Bulshada iyagoo saf ballaaran ku jira, iskuna faraxsan oo aan iska daba buuqeyn.

6.     Somaliya oo uu go’doon ka dhigay kuna soo koobay Erateriya oo god ku jirta, iyo Itoobiya oo joogta meeshii ugu xumeyd taariikhdeeda inuu luga noogu xeray oo maamadii qaranka u geeyey inay soo tallaasho geedo la leeyahay waxaa loogu duceynayaa ciidamadii 1977 Somalida Jebiyey.(eeg Sawirka).

Haddaba cid kasta oo Farmajo amaantaa dalkaan dembi aan cafis lahayn ayey ka galeysaa, waxaana haboon dowladda hadda jirtaa ay Xasaanadda qaaddo, lana furo galalka ay ku keydsan yihiin dembiyada uu toos iyo dedebba u galay isaga iyo maamulkiisii foosha xumaa, haddii kale iyada ayaa noqoneysa mid ka qeyb qaadatay, rabtana inay marto jidkaas oo hadhow loo daboolo dembigeeda sida ay hadda u dabooleyso dembiyada Farmajo iyo intii la gashayba. 

Abwaankii Somaliyeed waa kii lahaa “ Nin ganaanayaan ahoo gabarna dhaafeyne Godobteydu waa wada jirtaa goonyahoo idile” Gefka Farmajo cid kasta oo ama bar bulsho ka taageertay ama idaacad ka taageertay waxaa jira dad ururiya waxayna la mid yihiin dad cadow dalka u hoosaasinaya, maalinna waa lagula xisaabatmi doonaa ee MW Xasan Sheekh taas ha ogaado oo ceebta Farmajo dalka haka meyro ama ha ku biiro oo qariyo.