Amisom Qasaaro Intee la eg yaa kasoo gaaray Weerarkii Balcad(SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Magaalada Muqdisho waxaa la keenay qaar kamid ah dhaawacyadda Ciidamadda AMISOM weerarkii Xarakadda Al-shabaab ay todobaadkii aynu soo dhaafnay ka qaadeen Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhaawacyadda ayaa la dhigay Isbitaalka Heerka labaad ee AMISOM,waxaana isbitaalka ku booqday ku xigeenka madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo iyo mas’uuliyiin.

Ciidamadda weerarka ku dhaawacmay ayaa u badan kuwa u dhashay dalka Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM,waxayna Al-shabaab sheegeen in weerarka ay ku dileen 23-askari.

Dhanka kale Dowladda Burundi ayaa sheegtay In weerarii ka dhacay Degmada Balcad in loogu dilay 5-askari, waxayna beenisay sheegashaddaa Al-shabaab.