Amisom oo Soomaaliya Sii Joogeeysa Sida Q.M sheegtay Aaway Hadalkii xalay uu jeediyay R/wasaare Kheeyre!!!

Reading Time: < 1 minute

R/wasaare Xassan cali kheeyre  mar uu wareeysi siinayay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in ay Amisom dalka ka baxeeyso islamarkaana ay diyaariyeen qorshaha kala guurka oo Ciidanka xooggu dalka kula wareegayaan,Hase’yeeshee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isniintii go’aamiyay qaraar ay AMISOM ku sii joogeyso Soomaaliya si nabad ilaalin ahaan ah ilaa May 31, 2019,markaasi oo ay suuragal tahay ineey kasii baxaan ama sii joogaan.

Dhan kale Waxaa kale oo isla qaraarka ku jira, in tirada AMISOM hoos loo dhigo, oo laga geeyo ilaa 20,626 bisha Feb. 28, 2019 iyo in lagu daro tiro booliis ah oo garaya ugu yaraan  1,040.

Ciidanka Amisom ayaa soomaaliya u joogo howlaha nabad ilaalinta Madaxda Sare ee dalka ayaana dhowr jeer sheegay warar beeninaayo qararkaan,Go’aan cusub waxaa uu ka hor imaanayaa mid horay loo gaaray kaas oo ahaa in la dhimo ciidamada AMISOM oo laga dhigo 20,626 bisha Oct. 30, 2018, laakin sida go’aanka cusub ka muuqata ku dhowaad sanad ayaa dib loo dhigay.

R/wasaare xassan Cali kheeyre ayaa waxaa uu caan ku yahay in uu sheego war aan xaqiiqdiisa laga fikirin islamarkaana dib ka beenoowba,