AMISOM oo sheeegtay inay ku qanacday geedi socodka Doorashada Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Ka mid markii kulamo kala duwan oo ay ka qayb galeen mas’uuliin ka kala socota   IGAD, AMISOM ka dhaceen maanta iyo shalay magaalada Kismaayo ayaa waxa hogaanka siyaasada iyo militariga  ee AMISOM sheegeen in ay ku ganacsan yihiin geedi socodka doorashada  Jubbaland.

Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM Janaraal Tigabu Y. Wondimhunegn oo kulan qaas ah la  qaatay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Madoobe  ayaa sheegay in AMISOM si buuxda u taageersan tahay doorshada Jubbaland isla markaana ay uga danbeeynayso madaxada Jubbaland iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashada Jubbaland.

Dhanka kale AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku kalsoon yihiin ciidamada Booliska Jubbaland oo ay AMISOM tababartay in ka adag yihiin adkeynta iyo ilaalanta amaanka guud ee doorashada iyo guud ahaan magalaada Kismaanyo.

Hadalka ka soo yeeray hogaanka AMISOM ayaa waxa uu soo afjarayaa fakarkii ay qabeen musharaxiintii uu watay MW Farmaajo oo ahaa in ay ayagu sameeystaan gudi cusub oo doorasho been abuur ah sameeya.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa waxa la filayaa in maalmaha soo socda ku tartamaan u kala dhuumashada Madaxweyne Axmad Madoobe oo la hubo in dib loo soo dooran doono maadamaa musharaxiintii Villa Soomaaliya wadatay ay iyagu qaateen go’aan qaldan oo keenay in loo diido in ay qayb ka noqdaan doorashada Jubbaland.