Taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray weeraradii iyo qaraxyadii habeen ka hor ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. AMISOM ayaa shaacisay inay si kulul u cambaareyneyso weeraradaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dhaliyey khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.
Howlgalka AMISOM ayaa sidoo ku dhowaaqay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab, si looga adkaado. Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay halis weyn ku tahay horumarka dalka iyo noloshada dadka Soomaaliyeed.
“Midowga Afrika ayaa waxaa ka go’an in uu taageero Soomaaliya si looga adkaado argagixisada oo burbur ku ah dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Fiona Lortan.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan qal-qal amni laga dareemayo magaalada Muqdisho oo martigelisay maalmihii u dambeeyey qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho oo aad loogu daahay, kadib is qabqabsiyo ka dhashay doorashooyinka.