AMISOM oo qarax lagula eegtay Sh-hoose (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta deegaankaas qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Kolonyo ka tirsan AMISOM ayaa xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Buulo Mareer waxaa lala eegtay qarax miino,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxa kadib ay maqleen rasaas xoogan oo ka dhaceysay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Khasaaro ayaa la sheegay in qaraxaas uu kasoo gaaray ciidamada AMISOM,waxaana Al-Shabaab warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka  waxa ay ku sheegeen in dhamaan askartii saarneyd mid ka mid ah Gawariada AMISOM ee uu qaraxa qabsaday ay geeriyoodeen.

Si kastaba Saraakiisha Midowga Afrika ee AMISOM weli kama hadlin khasaaraha ka dhashay qarax Ciidamadooda lagula eegtay deegaanka Buulo Mareer iyo Warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab.