AMISOM oo Madaxweyne Farmaajo ku Weerartay Qorshaha Ciidanka Soomaaliya Kula Waregi Karaan Amanka Dalka.

Reading Time: < 1 minute

Afhayeenka AMISOM,Richard Omwega ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka walwalsanyihiin in ay meel cidlo ah uga dhaqaaqaan dadaalladii ay sameeyeen.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Soomaaliya la tababaray,waliba si wanaagsan laakiin aysan diyaar u ahayn in ay amniga kala wareegaan howlgalka AMISOM.

Waxa uu sheegay in 75 Saraakiil Soomaali ah ay ku tababaranayaan Dalka Uganda, 4,000 oo kalena ay isla Uganda horay u tababartay,sidoo kale Dalalka Turkiga iyo Imaaraadka ayuu sheegay in ay saraakiil ciidan tababareen,kuwaas oo gaaraya 1,500 Saraakiil ah haddana aysan muuqan in Ciidamada Soomaalida loo dhiibo amniga dalka.

“Waa ay fududadahay in la qorto Askar dagaallanta,laakiin waxaa adag sidii loo heysan lahaa,annaga howlgalkeenna ka mid maha in aan faragelinno arrimaha gudaha,dowladda ayey shaqadeeda tahay,waxaan kaliya ku leenahay talo”ayuu yiri Mr Omwega.

Waxaa uu intaas ku daray in AMISOM la sameeyay January 2007dii,howlgal lix bilood ahaana lagu billaabay hayeeshee markasta waqtiga loo kordhinayay ilaa uu hadda dhaafay 10 Sano,waxaa uu intaas ku daray inWaddankasta oo ku jira Milatariga AMISOM uu bixiyay 250 Askari,islamarkaana tiro taas la mid ah ay bixi doonaan Bisha October ee soo socota.