AMISOM oo looga digay in ay qayb ka noqoto dagaal dhax mara Ciidanka Xooga Dalka

Reading Time: < 1 minute

Ka dib markii kulankii shalay uu Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre ka codsaday hogaanka AMISOM iyo Beesha Caalamka in ay difacaan dowlada oo ay ka hortagaan ciidanka laga cabsi qabo in ay Muqadishu soo galaan hadii xal loo waayo dhibaatooyinka ciidanka Sheeganayaan ayaa AMISOM looga digay in ay qayb ka noqdaan dagaal dhex mara ciidanka iyo dowlada.

Xassan Kheyre ayaa ku adkeeysanya in AMSIOM  sitcimaasho xoog oo ay  horistaagto ciidanka ku soo wajahan magaalada Muqadishu. AMSIOM ayaa sheegtay in ay mas’uuliyadoodu tahay ku kooban tahay ilaalint xarunta Villa Somaaliya iyo sadaxda hogaan ee dalka laakiin ayan marnaba ciidan Soomaaliyeed oo gadood ah ayan is hortaagi doonin.

Dhanbaal maanta la garsiiyay taliska ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa looga digay in ay ka horyimaadan ciidanka gadoodsan. AMISOM oo ay ciidan tiro yar ka joogto degaanka Shabeelada Dhexe ayaa balan qaaday in ayan qayb ka noqon doonin colaada siyaasadeed ee dhextaalo labada dhinac.

Halkee siyaasada lagu xalin lahaa  eeda ay sheeganayaan ciidanka ayaa Xassan Kheyre waxa uu doonayaa in uu horseedo dagaal la dhexdhigo ciidanka xooga dalka iyo AMISOM.