AMISOM ayaa la wareegay kow iyo toban gaari oo loogu talagalay in kor loogu qaado hawlgallka ku aaddan sugidda amniga doorashada dalka.Soomaaliya. Deeqdaan gaadiidka ah oo isugu jira shan Gaari oo gaashaaman iyo lix baabuur oo ah nooca Toyota Land cruiserka ah.waxaa bixiyay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Dhanka kale, baabuurtaan waxay inta badan ay taageeri doonaan Unugyada Booliska AMISOM ee la shaqeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed . Ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa maalinimadii shalay gaadiidkaasi ku wareejiyay Taliyaha Booliska AMISOM,ahna, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie.