Ciidanka ay sida gaarka ah u tababartay Dowlada Mareykanka ee lagu magacaabo Danab oo kaalmeysanayo Ciidanka AMISOM qaybteeda “Sector One” oo ah ciidanka Dowlada Uganda ayaa saakay subax hore waxa ay weerar ku qaadeen degaanka ay Al Shabab horay u heysatay oo lagu magacaabo Sabiib and Canoole. Dagaalka oo mudo socday ayaa ciidanka Danab iyo AMISOM la wareegeen degaankaas. Kooxda Al Shabaab ayaa intooda badan ka baxasaday goobta inta aan ciidanka gaarin goobtaas.
Hadaba qabsashada labadaas tuulo ka dib ayaa dowlada Soomaaliya waxa ay baahisay in ay halkaas ku qabteen booyado laga buuxiyay waxyaabaha qarxa. Hadalka ka soo yeeray dowlada Soomaaliya ayaa ah mid aan waxba ka jirin kana been abuuray xaalada ka jirtay deeganakaas.
AMISOM ayaa sheegtay in lagu guuleystay in AL Shabaab laga qabsado labo tuulo dhibaatana la gaarsiyay isla markaana sanado lagala wareegay laakiin AMISOM ayaa iska fogeysay hadalka ka soo yeeray dowlada ee ahaa in la qabtay booyado ay ka buuxaan walxaha qarxo kuwaas oo ka weyn qaraxii ka dhacay Muqdisho Bishii Octobar ee sanadkii hore.