Amisom Oo Isbedel Ku Sameysay Qaabkii Loo Geli Jiray Xerada Xalane

Reading Time: < 1 minute

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbedel muuqda ku sameeyay qaabka loo geli jiray xarunta xerada Xalane oo deris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii AMISOM ay sahan iyo qiimeyn ku sameysay qaabka loo galayo xerada Xalane oo ammaankeeda aad loo ilaaiyo.

AMISOM ayaa ku dhawaaqday inay xirtay dhammaan albaabada laga galo xerada Xalane, marka laga reebo irida Madiina Gate ee xigta dhanka Galbeed, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay AMISOM.

Waxay kaloo AMISOM qoraalkeeda ku sheegtay inay xirtay wadooyinka kale ee Xalane sida qeybta Isbitaalka Bukaan socod eegtada ee Xalane ku yaalla iyo irdaha kale ee muhiimka ah.

Qoraalka AMISOM ayaa ugu dambeyn lagu soo gunaanuday inay bilaabi doonaan inay si buuxda ula shaqeeyaan dhammaan dadka rayidka ah sida shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha ka hawlgala Xalane.

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa dhawr mar isku dayay inay weeraro ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyay.