Kadib kulan ay Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya ku yeesheen Taliyeyaasha ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku baaqeen in la kordhiyo taageerada la siiyo.
Taliyeyaasha ayaa waxaa ay sheegeen in ay muhiim tahay in laga caawiyo dhanka qalabka iyo maaliyadda si ay u xoojiyaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka, si loo fududeeyo qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee soomaaliya.
Sidoo kale Taliyeyaasha ayaa waxaa ay sheegeen in laga maarmaan ay tahay in la helo qalab badan si loo kordhiyoTababarada la siiyo ciidamada booliska Soomaaliya.
Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya eek ala ah Djibouti, Kenya ,Ethiopia, Burundi , Nigeria, Uganda, Sierra Leone iyo Zambia ayaa xusay in waajib ay tahay in taageero dheeraad ah la siiyo Ciidamada Dowlada, hadii arintaasi aysan dhicin ayay ku sheegeen in aysan macquul aheyn ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.