AMISOM oo billaawday diyaargarowga doorashada Soomaaliya ee 2020

Reading Time: < 1 minute

Inkastoo dowlada Soomaaliya  iyo golaha shacabka ayan wali si cad u sheegin qaabka doorashada ee ka dhici doonta dalka Soomaaliya hadana beesha caalamka waxa ay qarash ku bixinaysaa diyaar-garowga doorashada ee la filayo inay ka bilaabato dalka Soomaaliya dabayaaaada sanadka danbe.

Waxaaa Magalada Kampala ee dalka Uganda ka furmay shir looga hadlayo arrimaha Aminiga Soomaaliya kaas oo qayb ka tahay arimaha doorashooyinka Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa siwadajir ah u soo qaban qaabiyay Guddiga qaran ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Qarashkan shirkaan ayaa waxa bixinaysa Midowga Yurub.  Shirkaasi  waxaa qeyb  ka ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana  ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey,halka Uganda uu matalayo dhigeeda dalkaas iyo sidoo kale Xildhibaano, Agaasimayaal Wasaaradaha  heer fedeeral & Wasiirada Amniga Heer Dowlad Goboleed.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa qabsoomida doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya, kadib markii ay waqtigooda dhamaadaan Madaxda hadda joogta iyo sidii ciidamada Midowga Afrika uga qeyb qaadan lahaayeen sugida Amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.