Amisom Maxeey ka Tiri Doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka!!!

Reading Time: < 1 minute

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, ayaa u hambalyeeyay H.E. Guddoomiyaha cusub ee Baarlmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Isniintii ku guuleystay Doorashadii Golaha Shacabka isaga oo helay 147 cod, waxaa uuna hoggaamin doonaa Golaha Saddexda sano ee soo socota.

“Doorashada nabdoon ee Golaha Wakiilada Dadweynaha iyo guusha ku guulaysiga awooda hore ayaa mar kale xaqiijinaysa in dimoqraadiyadda ka jirta Soomaaliya ay ka soo wareegto Da’da” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Ambassador Madeira ayaa Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka u rajeeyay inuu si hufan u guto shaqooyinka waajibaadka ah ee horyaalla, wuxuuna tilmaamay Maxamed Mursal inuu yahay shaqsi ka soo bixi kara xilka culus ee la saaray.

“Waxaan kula dardaarmayaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka inuu ka shaqeeyo arrimaha dajinta shuruucda kala duwan ee dalka xilligaan u baahan yahay.” Ayuu sidoo kale yiri Danjire Madeira.

Sidoo kale wuxuu sheegay AMISOM in ay sii wadi doonto si dhow ula shaqeynta xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah dadaalkooda ku aadan dib u soo celinta nabadda iyo ammaanka.

Dadka Odorosa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku guuleysatay inay soo saarto shaqsigii ay wadatay ee ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya.